Koorsada Microsoft PowerPoint 2016 waa tababar dhameystiran oo loogu talagalay dadka doonaya inay bartaan samaynta iyo soo bandhigista presentations xirfad leh. Ardaydu waxay baran doonaan sida loo abuuro slides cusub, loo naqshadeeyo presentations, loo geliyo sawirro, shapes, SmartArt, tables, charts, audio, iyo video.
Sidoo kale koorsadu waxay daboolaysaa isticmaalka animations iyo transitions si presentation-ku u noqdo mid soo jiidasho leh. Ardaydu waxay baran doonaan sida loo isticmaalo Slide Master, loo diyaariyo slideshow, loo daabaco presentations, iyo sida presentation loogu badalo PDF ama video.
Dhamaadka koorsada, ardaygu wuxuu awoodi doonaa inuu abuuro PowerPoint presentations casri ah oo loo isticmaali karo waxbarasho, shirkado, ganacsi, iyo shirar rasmi ah.